Gabaygan oo la magac baxay Xunbo,
waxan ka qorray Mukhtaar Xamuurad ,wuxuna noo sheegay inuu gabaygani yahay gabaygii ugu danbeeyey ee uu tiriyey Alla ha u
naxariistee Maxamed Cabdi Aar. Abwaanku wuxu inoo sawirayaa waayaha aduun iyo sida ay tiiraanyo u leedahay qof ku dhex nool
bulsho aan qadarineyn . Wuxu kale oo humaaggiisa inagu tusayaa xaaladda Soomaaliya
iyo sida ay u cakiran tahay . wuxuna yidhi :-
Waa
xoodh gudhaayoo aduun waa xunboo kale e
Waa
xayska da’ayoo kaloo ma laha xeeldheere
Xiiso
ma laha soomaali aad xeer la dhigataaye
Goortay
xumaan kugu arkaan kaa xariir jabe e
Xurmo
iyo wanaag waa intaad xoogga leedahaye
Xoola
siiyayaa iyo si kale u xusul duubaaba
Anba
maalintaa kii xanniban waan xurmayn jiraye
Xigto
iyo xigaaliyo dhammaan xididka ii gooyey
Nin
waliba wuxuu igu xusaan berri ku xaalayne
Waxay
aniga iga xaasidaan waa xujiyo yaabe !!!!
Naftaa xeriyey,
oontaan xarrimay nolosha aaan xooray
(soomaali buu metelayaa)
Taftaan
xaydey, xusulkaan kabaha xag ugu laad-laadshey
Dhulkaan
xaarey, ciiddaan xardhiyo dhagaxa aan xuunshey
Xidig
baygu yuururey tan iyo xulaygii dayreede
Hayeeshee
xilligu ways bedeli xoobirada dhow eh
Xaaladayda eebbaan ku xidhay waw xamdiyayaaye.